sawirro:Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy oo ku wajahan dalka Kenya

05 Marso 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa caawa u ambabaxaya magaalada Nairoobi, halkaas oo ay wada hadallo saddex geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha Kenya  Uhuru Kenyatta.

Abiy ayaa kala hadlay Farmaajo inuu wanaajiyo xiriirka kalae dhexeeya madaxweynaha Kenya, waxaana la isla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka si loo abuuro jawi ganacsi iyo maalgashi oo waxtar u leh shucuubta gobolka.

Dhanka kale Madaxda labada dal ayaa ka wada hadlay sare u qaadidda wada shaqaynta ka dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland si loo xoojiyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

 


Puntlandes.com

About The Author