Kheyre oo safarkiisa Kismaayo u baajiyay aaska Wasiirkii Dastuurka
09 Marso 2019 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa baajiyay safar lagu waday in maanta oo Sabti ah ku tago magaalada Kismayo ee Jubbaland, kaddib geeridii ku timid AUN Wasiirkii Dastuurka Marxuum C/raxmaan Xoosh Jibriil.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u baaqday aaska Marxuum Xoosh oo lagu wado in meydkiisa loo soo qaado magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddi wasiiro ah u magacaabay qaban qaabada aas qaran oo loo sameynayo Allaha u naxariistee C/raxmaan Xoosh Jibriil.
Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in meydka Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh JIbriil la keeni doono maalinta berri ah islamarkaana isla beri la aasi doono.
Puntlandes.com