Daawo Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland oo sheegay in reer Qardho ka hor jeedaan dawlada madaxweyne Deni
14 Marso 2019 (Puntlandes) Guddoomiyaha golaha Wakiilada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa ka hadlay in dawlada Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Siciid Cabdulaahi Deni ay Beesha Qardho mucaarad ku tahay.
Madaxweyne Deni ayaa kasoo jeeda magaalada Qardho, wuxuuna Gudoomiyuhu caddeeyey in beeshiisu ay ka soo horjeedo hogaankiisa maxaa yeelay waxa uu gacanta u galay kooxda Aaran Jaan, Faroole iyo caruurtiisa.
Dhoobo ayaa sheegay inaysan dawladdu lahayn qorshe iyo hadaf ay ku shaqayso, taas oo ay sabab u tahay hogaankiisa liita iyo kooxda xagjirka Aaran Jaan oo majaraha u haysa waana sababta ay Qardho uga biyodiiday.
Dhawaan ayey ahayd markii Taliyaha ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen uu iska casilay xilkiisii kadib markii uu la shaqayn waayey madaxweyne Deni oo ku amray inuu hoos tago wasiirka Maaliyadda iyo ina Faroole.
Gudoomiye Dhoobo ayaa ku eedeeyey Gen Caarre inuu sabab u yahay inay Somaliland soo weerarto gobolka Sanaag isagoo yiri ”..waxaad moodaa inuu u egyahay inuu doonayao inuu dalka u qabto qoladan laakiin aanu ahayn nin mucaarad ah sida uu hadda wax u wado”
Jaaniska uu Caarre ka faa’iidaystay ayuu ku sheegay inay dawladdu tahay wali mid curdan ah isagoo sheegay in dawladii ka horaysay ay dhaqdhaqaaqiisa xadiday.
Mucaaradnimada reer Qardho
Gudoomiye Dhoobo oo ku eedeeyey reer Qardho inay dawladda Deni ka soo horjeredaan ayaa yiri ”waxaa kale oo iyana jirta qoladan Qardho laftigeedu hadda joogtaa dawladda mucaarad ayey ku tahay oo nimankii odoyaasha u ahaa Qardho ama hormuudka u ahaa dawladdan way ku kacsan yihiin, raad inay ku leeyihiin laftigoodu waa wax dhici kara”
Dhanka kale Gudoomiye Dhoobo oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho martina u ah Fahad Yasin ayaa sheegay inuu ninka dalka haysta iyo madaxweyne ku xigeenka kala hadli doono arinta Gen Caarre marka uu ku laabto Puntland, waa sida uu hadalka u dhigauye.
Puntlandes.com