Dawladda Federaalka & Galmudug oo wada hadalo uga bilowdeen Dhuusamareeb
26 Marso 2019 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Dhuusamareeb Wasiir Sabriye ayaa kulan albaabada u xiran yahay la leh Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir.
Wasiir Sabriye ayaa la sheegay inuu kala hadlayo sidii xal wqaara loogu heli lahaa khilaafkii u dhaxeeyey dawladda Federaalak iyo Galmudug, iyadoo lagu wado inay Galmudug ka qayb gasho shir ka dhacaya magaalada Muqdisho 31da Marso 2019ka.
Xiriirka dowladda Federaalka ah iyo Galmudug ayaa aad xumaa tan iyo markii uu talada qabtay Madaxweyne Xaaf labo sanno ka hor, waxaana uu maamulkaas dhowr jeer muujiyay cabasho badan oo la xiriirta fara-galinta dowladda dhexe.