Raysal Wasaare Khayre oo xafiiskiisa ku qaabilay Boqor Burhaan Boqor Muuse.
26 Marso 2019 (Puntlandes) Ra’iisul wasaaraha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mida isimada dhaqanka Soomaaliyeed oo maalmihii lasoo dhaafay safar u shaqo u joogay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha ayaa Boqorka iyo isimada kale ee Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay markasta ugu heelanyihiin nabadaynta iyo ilaalinta wadajirka ummada soomaaliyeed, waxa uu ku amaanay boqorka kaalintii uu ka qaatay dib u heshiisiinta beelaha soomaaliyeed qaarkood oo dirir ay dhex martay.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ugu danbayn shahaado sharaf gudoonsiyay Boqor Burhaan Boqor Muuse, Boqorka oo mudooyinkii danbe ku sugnaa Muqdisho ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo duubabka dhaqanka ee Magaalada Muqdisho.
Puntlandes.com