Maxay tahay sababta uu Madaxweyne Farmaajo uga baaqday Kalfadhiga Aqalka Sare
01 Apr 2019 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay sababtii uu Madaxweyne Farmaajo uga baaqday xafladii furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka.
Kheyre ayaa sheegay in Madaxweynaha uu isaga u soo wakiishay, isla markaana uu jeedinayo khudbadii Madaxweynaha ugu tala galay Furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare.
Kheyre ayaa sheegay in Madaxweynaha u baaqday sababo ku aadan dhanka amniga ayna u qorshaysnayd inuu furo Kalfadhiga, inkastoo aanu sii faah faahin.
Ka hor intii aanu Ra’iisul Wasaaruhu khudbada jeedin ayaa waxaa muran ka dhashay cida leh hab maamuuska furitaanka Aqalka sare, maadaama uu Madaxweynuhu maqnaa, isla markaana Senarada Aqalka Sare ku adkeysteen in Ra’iisul Wasaaraha uusan laheyn hab maamuuska furitaanka.
Ugu dambayntii kulan dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoonka Aqalka Sare oo saacado qaatay ayaa Guddoonku aqbaleen codsiga Ra’iisul Wasaaraha ee ku aadan inuu isaga furo, kana wakiil yahay Madaxweynaha.
Puntlandes.com