Guddoomiye Mursal oo sheegay in maalinta Sabtida laga doodayo arrimaha Amniga

03 Apr 2019 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shaaca ka qaaday in maalinta Sabtida ee taariikhda ku beegan tahay 6da April uu goluhu dood ka yeelan doono xaalada amniga ee dalka.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in kulanka Sabtida aanay ka qeyb gelin doonin Warbaahinta, maadaama xaalad amni laga hadlayo, isagoo sheegay in Hey’addaha ammaanka loo yeeri doono, inkastoo aanu carabaabin Mas’uuliyiinta dhinaca ammaanka ee loo yeerayo.

Kulanka Baarlamaanka ayaa labo jeer u baaqday kooram la’aan ka dhashay muran la xiriira ajandaha kulanka Baarlamaanka oo uu horay Guddoonka u shaaciyay in looga hadlayo warbixinta Guddiga dib u eegista Dastuurka.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa lagu eedeeyaa inuu u janjeero dhinaca Xukuumadda, iyadoo isku day kasta oo lagula xisaabtami lahaa hor-taagan.

Puntlandes.com

About The Author