Sawirro: Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Xarumaha Wasaaraddu ku leedahay Bosaso.
03 Apr 2019 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarumaha Wasaaraddu ku leedahay Magaalada Boosaaso.
Kormeerkan Wasiirka Maaliyadda waxa ku weheliyay Wasiirku Xigeenka Maaliyadda,Wasiirku Xigeenka Dakhliga,Xisaabiyaha guud ee Dawladda,Agaasimaha guud,Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Waxaada Furdooyonka iyo madaxkale..
Xaruma ay booqashada ku tageen Wasiirka iyo waftiga uu hogaaminaayay ayaa waxaa ka mid ahaa Xarunta Wasaaradda Maaliyaada,kastamka Cashuuraha Garoonka,Xarunta Cashuuraha Berriga iyo goobo kale.
Masuuliyiinta Madaxda ka ah xarumaha uu Wasiirku booqaday ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay hab sami usocodka shaqada.
kulmo gaar ah oo ay wada qaateen Wasiirka iyo madaxda Wasaaradda ee goobaha dakhli soosaarka ayaa looga hadlay dardaar galin dhinaca shaqada ah.
Baahintii