Shirka Golaha Amniga Qaranka oo Muqdisho ka dhacaya, yaa ka qayb galya?
06 Apr 2019 (Puntlandes) Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray madaxweynayaasha dawlad goboleedyada dalka, isagoo ku casuumay shir muhiim ah oo ka dhacaya Muqdisho.
Madaxdaa ayaa loogu yeeray inay ka qayb galaan shirka Golaha Amniga Qaranka, oo Muqdisho ka dhacaya 19ka illaa iyo 23da bishaan April.
Madaxda dawlad goboleedyada ayaa la filayaa inay badankooda kasoo qeyb galaan shirkaan, iyadoo aan shirkaan la qaban intii muddo ah aysana dawladda Federaalku fulin go’aamadii may 2017 ee ay ku heshiiyeen in Ciidankii Xoogga dalka la aas aaso iy Ciidan Boolis oo labo heer ah mid dawlad goboleed iyo Federaal.
Villa Somalia oo filaysa inay shirka ka soo qayb galaan inta badan madaxda ayaa u arka shirkaan mid ay ku muujiyaan inay wadashaqaynayaan madaxda gobolada si ay Beesha Caalamka u tusaan in xiriir fiican ka dhexeeyo.
Shirkan ayaa ku soo aaday ayadoo inta badan madax gobolada ay yihiin hadda qaar dowladda xulufo la ah iyo qaar ay heshiiyeen, ayadoo ay dawladu u aragto inay ku adkaatay loolankii labada dhinac u dhexeeyey.
Puntlandes.com