Buuq ka dhashay codeyntii warbaahinta loo qaaday in banaanka looga saaro Baarlamaanka

06 Apr 2019 (Puntlandes) Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa ka horyimid go’aankii Warbaahinta banaanka looga saaray Kulanka Amniga ee Baarlamaanka, kaddib markii cod loo qaaday.

Buuq ayaa ka dhashay codeynta warbaahinta banaanka looga saaray Baarlamaanka, iyadoo qaar ka mid ah Xildhibaanada ay ku doodayaan in aysan sax aheyn qaabka codeynta u dhacday iyo inay ahayd wax ka yimid Guddoonka.

Xildhibaanada qaar ayaa dalbanaya inay saxaafadda goobjoog ahaato, si ay shacabka ugu gudbiyaan doodaha la xiriira ammaanka iyo su’aalaha la weydiinayo Mas’uuliyiinta Hey’adaha ammaanka.

Illaa 104 Xildhibaan ayaa u codeysay in Saxaafadda dibadda loo saaro, halka 42 Xildhibaan ay diideen, waxaana durba la amray in saxaafada dibadda loo saaro.

Hase yeeshee Xildhibaanada qaar oo ka horyimid codeyntaas ayaa is hortaagay in saxaafadda dibadda loo saaro, iyagoo ku qeylinayay Guddoonka Baarlamaanka.

Ma ahan markii u horeysay ee saxaafadda dibadda looga saaro kulan looga hadlayo ammaanka oo uu baarlamaanka leeyahay, sanadihii 2014 iyo 2016 ayaa horay saxaafadda banaanka looga saaray.

Dhanka kale waxaa xarunta Golaha Shacabka ku sugan Taliyayaasha Booliska, Milateriga iyo Asluubta oo ka mid ahaa Taliyeyaashii loo yeeray, waxaa ka baaqsaday oo aan imaan Kusimaha Taliyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin oo ku caan ah inuu iska qariyo ama ka dhuunta fagaraayaasha iyo kulamada caadiga ah.

Wasiirada Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Amar Dambe oo labaduba Xildhibaano ah ayaa ku sugan xarunta Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa kulanka ka maqan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow oo ka mid ahaa xubnihii loo yeeray.

Puntlandes.com

About The Author