Guddoomiye Mursal oo baaqiyey kulankii golaha Shacabka & Buuq badan oo dhacay
06 Apr 2019 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Goordhow ku dhawaaqay in uu baaqday kulankii Maanta ee Golaha Shacabka.
Kulanka maanta waxaa soo xaadiray 164 xildhibaan, iyadoo markii hore uu guddoomiyahu uu furay kulankii maanta oo looga doodi lahaa amniga Muqdisho oo faraha ka baxay.
Sababta uu kulanka u baaqday ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay khilaaf ka dhashay codkii loo qaaday warbaahinta inay goobjoog ahaato iyo in dibada laga dhigo kulanka, isla markaana xildhibaanada ay laba garab kala noqdeen
Kulanka ayaa maanta baaqday ayaa inta badan waxaa soo xaadiray Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya si su’aallo looga weydiiyo Ammaanka dalka, marka laga reebo Fahad Yasin.
Kulankaan ayaa ah Mmd si weyn isha loogu haayay Saacaddihii ugu dambeeyay Xaalad Amni daro oo daran ay ka jirto Muqdisho.
Puntlandes.com