Wasiir Juxa “Hadalkii Goodax waa eedeyn culus, waxaa looga baahan yahay Xukuumadda sharaxaad inay keento”
07 Apr 2019 (Puntlandes) Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa gef weyn ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre, kaasoo ahaa in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay yihiin Alshabaab, lana shaqeeyaan.
Juxa ayaa sheegay in hadalka Wasiir Goodax uu yahay eedeyn culus oo u baahan in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo.
“Waa eedeyn kulul oo looga baahan yahay Wasiir Goodax inuu caddeeyo, haddii hadalka Wasiirku run noqdo ma jiri doonto kalsooni dambe oo lagu qabi doono Golaha iyo wuxuu u taagan yahay, haddii kalena Golaha Xukuumadda ayaa sharaxaad laga rabaa”ayuu ku yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Xildhibaan Goodax oo dhowr jeer oo horayna warar is khilaafsan uga soo yeereen ayaa Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka ku tilmaamay inay yihiin Alshabaab, lana shaqeeyaan, kana dambeeyaan amni darada ka jirta magaalada Muqdisho.
Hadalka Goodax ayaa si weyn looga fal celiyay baraha bulshada, waxaana siyaasiyiin badan ku baaqeen in Guddiga Anshaxa Baarlamaanka uu tallaabo ka qaado hadalkaas, maadaama isagoo Wasiir ah ay ka soo yeereen erayo xanaf leh oo aan habooneyn.
Puntlandes.com