Farmaajo & Khayre oo cadaadis kadib ka qayb galaya shirka Garowe

01 May 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qayb galaya shirka berri ka furmi doona magaalada Garowe.

Wafdi horudhac ah oo isugu jira Wasiiro iyo howlwadeeno ka tirsan Xafiisyada Madaxda dowladda ayaa maanta gaaraya magaalada Garowe, sidoo kale waxaa la filayaa in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay berri gelinka hore si kala gaar gaar ah u tagi doonaan Garowe.

Shirka Garowe oo uu horaantii todobaadkan ku dhawaaqay Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa waxa uu ku casuumay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda dawlad  goboleedyada dalka inay shir wadatashi ka soo qeyb galaan.

Madaxweyne Deni ayaa si xoogan u dhaliilay madaxda dawladda Soomaaliya, isagoo sheegay inay ku fashilmeen xilkii loo dhiibay, halkan ka daawo.


Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa:

  • Siyaasadda
  • Amniga
  • Geeddi socodka doorashooyinka,
  • Dhameystirka dastuurka qabyada ah
  • Qaybsiga deeqaha
  • Awood qaybsiga dalka oo in laga guurayo lahu heeshiiyey 4.5
  • Wada shaqeynta dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Madaxda Villa Somalia ayaa la sheegay inaysan jeclaysan shirkan ayna saluugeen qaabka shirka looga casuumay iyo goobta, hase ahaatee waxay ku aqbaleen cadaadis xoogan oo ay Beesha caalamka ku saareysay Madaxda dowladda Federaalka inay ka qayb galaan shirka Garowe.

 

Dhanka kale xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo shirkan gadaal ka riixaysay ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan, si ay korjoogto uga noqdaan arrimaha looga hadlayo.

Puntlandes.com

About The Author