Sawirro: Sheikh Sharif Sheikh oo kulan laqaatey Safiirka dalka Ethiopia ujooga Somalia
01 May 2019 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna musharaxa Xisbiga Himilo Qaran Sheikh Sharif Sheikh Ahmed iyo qaar kamid ah madaxda Xisbiga ayaa kulan laqaatey Safiirka dalka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Ambassador Jamaaludiin Mustafa Omar.
Mudane Sheikh Sharif ayaa tan iyo intii uu kusoo laabtay magaalada Muqdisho wuxuu wadaa kulamo isdaba joog ah oo uu la yeelanayo diblomaasiyiinta Beesha Caalamka u fadhiya Muqdisho, isagoo kala hadlayey xaaladda ay Soomaaliya ku sugan tahay ugana mahadnaqayey taageerada ay siiyaan Soomaaliya.
Dhanka kale Sheikh Sharif ayaa kullan la qaatay gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu ka dhexeeyey khilaaf keenay inaysan wada shaqayn muddo labada Aqal, isagoo soo afjaray khilaafkaas heshiisiiyeyna gudoonka labada Aqal kulana dardaarmay inay wadshaqayntoodu u dan tahay Soomaaliya iyo sidii loo gaari lahaa doorasho dalka ka dhacda 2020/2021ka.