Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Geelle oo goor dhow is casilay
01 May 2019 (Puntlandes) Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa goor dhow iska casilay xilkiisa.
Wararka ayaa sheegaya in Daahir Geelle iyo Ra’iisul Wasaare Khayre ay isku qabteen arrimo dhowr ah, iyadoo ay horay u taagnaayeen kala aragti duwanana u dhaxeysay isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha oo muddo soo jiitameysay.
Waxaa uu noqonayaa Wasiirkii ugu miisaanka cuslaa ee sanadkan iska casila Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Khayre oo muddooyinkan wajaheysay qalalaase siyaasadeed iyo mucaarado xooggan.
Daahir Geelle ayaa aad uga biya diidanaa siyaasadda Ra’iisul Wasaare Khayre, isagoo ahaa siyaasi qunyar socod ah oo xilliyada qaar si dabacsan uga hadla arrimaha mucaaradnimada.
Puntlandes.com