Warbixin: Imisaa Wasiirrada RW Khayre is casilay?
01 May 2019 (Puntlandes) Ra’isul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre tan iyo markii xukuumadda uu soo magacaabey 21-kii March sanadkii 2017dii, waxaa is casilay wasiiro badan, kuwaas oo la shaqayn kari waayey.
Qasiiradan ayaa waxay shaqada uga tageen khilaafaad saoo kala dhex galay Khayre, iyagoo la shawqayn kari waayey.
Feb 23, 2017: Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ra’isul wasaare u magacaabay Xasan Cali Khayre oo ka tirsanaa milkiilayaasha Soma Oil and Gas.
March 21, 2017: Ra’isul Wasaare Khayre ayaa magacaabay 68 wasiir, 8 ayaa haween ahaa, waxaa kale oo ku jiray 15 wasiiru dowle, 26 wasiir, 26 ku-xigeen, wasiiradaas 42 Xildhibaanno ahaa.
Wasiirada xukuumada Khayre ee Iscasilay
1-Wasiirka Gaashaandhiga C/rashid C/llaahi Maxamed oo xilka iska casilay 12kii okt 2017
2-Wasiirkii Gargaarka iyo Maaraynta masiibooyinka Maryan Qaasim Axmed oo xilka iska casishay 15kii nov 2017
3-Wasiirka Warfaafinta Yariisow oo xilka iska casilay 20kii Jan 2018
4-Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo xilka iska casilay 24kii Abril 2018
5-Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Saalim Caliyoow Ibroow oo xilka iska casilay 24kii Abril 2018
6-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Ibraahim Isaaq Yarow oo xilka iska casilay 24kii Abril 2018
7-wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo federaalka Cali Sheekh Maxamed Nuur oo xilka iska casilay 24kii Abril 2018
8-Wasiiru dowlaha Warfaafinta Cabdi Casis Xasan Maxamed oo xilka iska casilay 24kii Abril 2018
9-Wasirka Howlaha Guud ee Xukumada Federaalka Soomaaliya Xildhiban Cabdifiiatax Ibraahim Geesey oo xilka iska casilay 16kii dec 2018
10-Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo xilka iska casilay 01dii may 2019
Dhanka kale RW Khayre ayaa xilka ka xayuubiya wasiirkii aan u guulwadayn, isagoo xilka ka xayuubiyey 8 wasiir.
Wasiiradda uu Khayre xilka ka qaaday ama la dilay
1- Wasiirka Howlaha Guud Cabaas Cabdulaahi Siraaji oo la dilay 3dii May 2018
2-Wasiirka Howlaha Guud Cabaas Saadiq Cabdulaahi Cabdi (la magacaabay 22 aug 2017) 23kii may 2018 ayuu xilka ka qaaday RW Khayre
3-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta soomaaliya Iimaan Cabdulaahi Cali 26kii Nov 2017 ayuu xilka ka qaaday RW Khayre
4-Wasiika Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad 4ta Jan 2018 ayuu xilka ka qaaday RW Khayre
5-Wasiirka Arimaha Gudaha & Fadaraalka Juxaa 4ta Jan 2018 ayuu xilka ka qaaday RW Khayre
6-Wasiirka warshadaha iyo ganacsig Khadra Axmed Ducaale 4ta Jan 2018 ayuu xilka ka qaaday RW Khayre
7-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta Xasan Macallin Xuseen Cusmaan 9kii July 2018 ayuu xilka ka qaaday RW Khayre
8-Wasiirka Waxbarashada C/raxmaan Daahir Cusmaan 26ka July 2018 ayuu xilka ka qaaday RW Khayre
Puntlandes.com