Ra’iisul Wasaare Kheyre oo si degdeg ah u magacaabay xilkii Wasiirka Warfaafinta
01 May 2019 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow si degdeg ah u magacaabay xilka Wasiirka Warfaafinta, kaasoo saacado ka hor uu iska casilay Daahir Maxamuud Geelle.
Wasiirka cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha Eng. C/llaahi Cali Xasan
Xilka Wasiirka Warfaafinta ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ahaa Wasiirkii Ganacsiga.
Sidoo kale xilka Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa loo magacaabay Eng. C/llaahi Cali Xasan, oo ay isku heyb yihiin Wasiirkii is casilay ee Daahir Geelle.
Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa ka mid ahaa Musharaxiintii isu soo taagtay Doorashada xilka Madaxweynaha 2017, inkastoo uu markii dambe ka tanaasulay.
Puntlandes.com