Akhriso: Xisbiyada Himilo, UPD, Wadajir, NDP iyo Ilays oo baaq soo saaray
01 May 2019 (Puntlandes) Xisbiyada siyaasadda ee dalka ayaa baaq ka soo saaray xaalada siyaasadeed iyo Amni ee dalka, kaddib shir ay maanta ku yeesheen Muqdisho.
Xisbiyadan oo kala ah Himilo Qaran, Wadajir, UPD, Ilays iyo NDP oo maanta Madaxdooda kulan ku yeesheen Hoyga Madacweynihii hore Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in doorashada dalka ay waqtigii loogu tala galay ku dhacdo, lagana fogaado muddo kordhin.
Waxaa kulanka ka qeyb-galay Shariif Sheekh Axmed, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Xasan Sheekh Maxamuud, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo madax ka ah xisbiyada kulanka kala qeyb-galay ee kala ah; NDP, Himilo Qaran, Ilays, Wadajir, iyo UPD.
Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladda amniga dalka, dastuurka dalka iyo dhameystirkiisa, doorashooyinka 2020 iyo sharuudaha doorashooyinka oo dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in meel mariso.
Kadib dhammaadkii kulanka, ayaa hogaamiyaasha Xisbiyada kala duwan ee dalka ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxay baaq ugu jeediyeen dowladda Soomaaliya.
Hoose ka akhriso War saxaafadeedka