DEG DEG: Golaha Wasiirada oo ansixiyay Sharciga Doorashooyinka & Sharciga Axsaabta
02 May 2019 (Puntlandes) Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhow ansixiyay sharciga doorashooyinka iyo sharciga Axsaabta siyaasadda, kaasoo dhowaan dib u eegis lagu sameeyay.
Kulan Golaha Wasiirada goor dhow soo gabagaboobay ayaa waxay Goluhu si aqlabiyad leh u meel mariyeen sharciga doorashooyinka oo muddo laga sugayay Golaha Wasiirada inay meel mariyaan.
Sharcigan ayaa lagu wadaa in loo gudbiyo maalmaha soo socda Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, si ay u meel mariyaan, isla markaana Madaxweynaha uu digreeto ka soo saaro.
Ansixinta Sharcigan ayaa lagu tilmaamay mid looga hordhacayo shirka wadatashiga ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku leeyihiin magaalada Garowe ee maanta ka furmi lahaa laakiin dib ugu dhacay maalinta sabtida ee socoto, iyadoo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay la tagayaan sharcigaas oo la soo meel mariyay.
Illaa iyo hadda lama oga nooca doorasho ee dalka ka dhacaya sanadka 2020/2021, balse waxaa jiray aragtiyo kala duwan oo ku saabsan nooca doorasho ee Madaxda dowladda doonayaan inay dalka ka dhacdo, inkastoo aanay suura geli karin doorasho hal qof iyo hal cod.
Puntlandes.com