Maxkamada oo Dib u Dhigtay Kiiskii Caa’isha Ilyaas

04 May 2019 (Puntlandes) Maxkamada derejada kowaad ee gobolka Nugaal oo maanta u fariisatay dhagaysiga kiiska kufsiga iyo dilka ee loo gaystay Caasho Ilyaas, ayaa dib u dhigtay ilaa maalinta sabtida ee toddobaadka dambe.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ayaa dacwad ku soo oogay 10 eedaysano oo loo haysto kufsi iyo dil loo gaystay Caasho Ilyaas. Mid ka mid ah qareenada uu doodayay eedaysanayaasha ayaa codsaday in dib loo dhigo kiiska dacwada si ay waqti dheeraad ugu helaan kiiska.

Guddoomiyaha maxkamada derejeda 1aad ayaa ogolaaday in dib loo dhigo maxkamadaynta 10 eedaysane ee ku eedaysan kiiska kufsiga iyo dilka ee Caasho.

Dhagaysiga dacwada ee Maxkamada waxaa ka qaybgalay wasiiradda haweenka iyo cadaalada ee Puntland, Eheleda dhibanaha iyo eedaysanayaasha, waxaa kaloo ka qaybgalay dad tiro badan oo lagu casuumay inay dhagaystaan kiiska iyo sida ay u dhacayso maxkamadaynta 10 nin.

Puntlandes.com

About The Author