Khayre oo Garowe kula kulmay Madaxweynaha Galmudug
05 May 2019 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay hoyga uu ka degan yahay magaalada Garowe kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Wararka laga helayo kullanka ayaa sheegaya in kulanka looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, isla markaana loo abuuri lahaa jawi ka duwan xaaladihii hore.
Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Galmudug ay muujiyeen isu soo dhowaansho iyo sidii is faham looga gaari lahaa mad-madowga labada dhinac u dhaxeysa.
Madaxda dawladda Federaalka ayaa sidii ay xilka u qabteen ku hayey Galmudug faragelin iyagoo doonayey inay xilka ka tuuraan Madaxweyne Xaaf,taas oo aysan ku guulaysan waxaana khilaafka dowladda Federaalka iyo Galmudug uu ahaa mid jiray muddo labo sano ah.