Sawirro: Musharax Abdukadir Salad Ali oo la kulmay Soomaalida Halmstad
05 May 2019 (Puntlandes) Abdukadir Salad Ali oo ah musharax u taagan Baarlaamnka Yurub (EU) ayaa maanta la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Halmstad ee dalka Sweden.
Musharax Abdukadir oo degen Caasimadda dalka Sweden ee Stockholm, halkaas oo uu ku noolaa muddo aad u dheer ayaa waxa uu ka soo shaqeeyey madaxna ka ahaa Xafiis lagu caawiyo dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo caawiyey dhalinyaro aad u faro badan.
Daawo Abdukadir Salad Ali oo ah musharax u taagan Baarlaamnka Yurub (EU)
Musharaxa oo socod dheer ku marayey dalka Sweden si uu ula kulmo jaaliyaddaha Soomaliyeed ee ku kala nool magaalooyinka dalka Sweden ayaa maanta la kulmay jaaliyadda magaalada Halmstad.
Mushaxa ayaa khudbadda uu jeediyey ku dheeraaday ka hadlida muhiimadda ay leedahay inay Soomaalidu matalaad og ama ka warhaysa baahidooda ku yeeshaan Baarlaamka EU da, isagoo ka codsaday inay marka koowaad codeeyaan marka xigana codkooda siiyaan isaga.
Musharaxa ayaa si hufan oo waafi ah uga jawaabay su’aalo badan oo aad u xiiso badnaa oo ay waydiiyeen qaar ka mid ah ka soo qayb galayaasha kullanka.
Ugu dambayntii Musharaxa ayaa ka mahadceliyey soo dhawaynta iyo kasoo qaybgalka kullanka, wuxuuna ku amaanay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Halmstad midnimadooda iyo wadajirkooda isagoo ku booriyey inay adkaystaan una sii gudbiyaan walaalahooda kale ee ku nool dalka Sweden.
Musharax Abdukadir ayaa ka tartamaya oo ka mid ah Xisbiga Leberalerna (L), wuxuuna kaga jiraa liiska 43.
Fadlan u codee mudane Abdukadir Salad Ali oo ah shaqsi Soomaalida wax badan usoo qabtay, oo isku tilaab saar sanduukha ka horeeya magaciisa oo nambarkiisu yahay 43.
Daawo sawirrada