Sawirro: Madaxweynaha Somaliland oo Qaabiley Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibeda Ee Dalka Masar (Muuqaal)
07 May 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda dalka Masar, Mr. Xamdi Sanad Luza oo booqasho ku jooga magaalada Hargaysa ee Somaliland.
Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay adkaynta xiriirka Somaliland iyo dalka Masar, arrimaha ganacsiga, xoolaha iyo kalluunka, waxbarashada iyo isdhex-galka xidhiidhka labada shacbi.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu uga mahadnaqay dawladda Masar taageerada ay Somaliland ka siiso waxbarashada gaar ahaan dhinaca macalimiinta u hagarbaxday sidii ay ardayda Somaliland wax u bari lahaayeen.