Puntland oo ka soo horjeesatay guddi ay wasaaradda Awqaafta iyo Arrrimaha Diinta Soomaaliya magacowday
07 May 2019 (Puntlandes) Wasiirka Caddaalada, arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka soo horjeestay guddi ay magacowday wasaaradda Awqaafta iyo Arrrimaha Diinta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo qaabilsan kala saarista shirkadaha u tartamaya fulinta adeegyada xajka ee sannadkan, oo ay dhowaan.
Wasiir Xaamud ayaa sheegay in xukuumadda Puntland ay si cad uga horjeeddo, wuxuuna ku sababeeyey i aan lagala tashan dawladda Puntland.
Xaamud ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay maroorsatay qoonadii Puntland ka heshay 11500 (kow iyo toban kun iyo shan boqol) oo xujeey ah, kuwaasi oo Sacuudigu u xadidday in ay Sannadkan ka soo xajiyaan gudaha Soomaaliya.
Wasiirka Xaamud ayaa yiri “Waxaannu dareemaynaa, in wax badan oo isdaba-maris ah ay jiraaniin, wax badan oo daacadnimaa in ay meeshii ka maqantahay, ballantu sidii ay ahayd in wasaaraddu oga soo baxdo ayaan rabnaa oo ay nagu soo wareejiso, wasaaradda Caddaalada ee Dowladda Puntland ay ku soo wareejiso, si iyadu markaa arrimihii Xajka iyo Shu’uunteeda ay u qunto”
Wasiirka ayaa sheegay in haddii aan Puntland loo soo wareejin qoondadeeda, ay ka soo baxayso in xukuumadda Federaalka aysan dhab ka ahayn, in ay wada-shaqeyn la yeelato dowlad goboleedyada dalka, waxaana uu dalbaday in si deg deg ah Puntland loogu soo wareejiyo qoondadaasi.
Puntlandes.com