Dhagayso: Safiirka UK u fadhiya Somalia oo ka hadlay khilaafka madaxda Somalida, cayrintii Haysom & doorashadii Baydhabo

09 May 2019 (Puntlandes) Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender OBE oo waraysi siiyey BBC Somali ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dawlad goboleedyada dalka.

Amb Ben ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya madaxda Soomaalida ay salka ku heyso arrimo ka mid ah Dib u eegista dastuurka, Sharciga Doorashada iyo sida loo qeybsanayo Awoodda iyo Kheyraadka, wuxuuna talo ahaan u soo jeediyay inay si deg deg u heshiiyaan madaxda dowladda iyo kuwa dawlad goboleedyada.

Ben Fender ayaa yiri “Waxaan si weyn u rajeynaa inuu jiro iskaashi dhex mara dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, inta ay jirto Xiisad la xiriirta dib u eegista Dastuurka, Sharciga doorashooyinka iyo sida loo qeybsanayo Awoodda iyo Kheyraadka, xaalku ma wanaagsanaanayo, waxaan aamin sanahay inay wacan tahay inay heshiiyaan”

Amb Ben ayaa sidoo kale sheegay in si dowladda Soomaaliya looga cafiyo deymaha lagu leeyahay ay waajib tahay inay la heshiiso madaxda dawlad goboleedyada, taasoo qeyb ka ahaa waxyaabaha ku horgudban in deyn cafin la helo.

Waxa uu dhinaca kale sheegay in dowladda UK, Qaramada Midoobey iyo dhamaan dalalka Caalamka ay ka xumaadeen sida dowladda Soomaaliya ay u maareysay doorashadii Koofur Galbeed iyo eryidii Nicholas Haysom, taasoo ka dhalatay dood uu ka keenay dilkii 15 qof oo aan waxba galabsan.

Dhagayso waraysiga safiirka ay la yeelatay BBC

Puntlandes.com

 

About The Author