Galmudug oo war-saxaafadeed kasoo saartay sababta uu u burburay Shirkii Wada-tashiga DFS & Dowlad Gobaleedyada
11 May 2019 (Puntlandes) War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu lagu sheegay mas’uuliyada burburka Shirkii Wada-tashiga DFS & Dowlad Gobaleedyada ay qaadanayso dawladda Fedraalka.
War-saxaafadeed ayaa Galmudug ku tiri “Dowlad Goboleedka Galmudug wuxuu niyad jab ka muujinayaa fashilka ku yimid shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo kuwa Federaalka uga socanayay 5-10 bishan Magaalada Garoowe”
Galmudug ayaa ku eedaysay DFS inay xagaldaacisay shirka waxayna tiri “Galmudug waxay dadaal kasta ku bixisay in shirka Garoowe guuleysto iyadoo mar walba ay ka go’an tahay xeerinta danta shacabka oo laga horumarinayo danaha gaarka ah balse DFS ayaa qaaday tallaabooyin xagaldaacin ku ah shirka iyo ajendayaashii loo madlanaa sida; shirciga Doorashooyinka, Batroolka iyo arrimaha dastuurka”
Waxay kaloo Galmudug ku eedaysay DFS inay diiday inay ixtiraanto heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna ee Jabuuti “DFS waxay diiday inay ixtiraamto heshiiskii Jabuuti oo ay Galmudug iyo maamulka G/dhexe ku hesheeyeen kaasoo ay wax ka saxiixeen, dastuurkii lagu heshiiyana ay tixgalin waayeen iyadoo wali faragalin ku haya arimaha Galmudug”
Ahkriso war-saxaafadeedka
Puntlandes.com