Qarax lagu weeraray xarunta maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari ee Bosaso.
11 May 2019 (Puntlandes) Qarax ayaa saaka ka dhacay iridda hore ee xarunta maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari ee magaalada Bosaso.
Dadka dhaawacmay waxaa ku jira taliyaha ciidanka ilaalada maxkamadda, shaqaale ka tirsan maxkamadda, askar iyo dad shacab ah oo qaar dhaawacyadoodu liitan, sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta caafimaadka.
Guddoomiyaha maxkamadda ee gaarigiisa qaraxa lala beegtay, Abukar Cabdinuur ayaan sida la sheegayo gaariga saarneyn wakhtiga qaraxa lala beegsaday.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa iyo cid loo qabtay midna, sidoo kalena laamaha amniga ayaan weli ka hadlin dhacdadaasi.
Puntlandes.com