Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dadaal xoogan ugu jirta anisixinta Sharciga Batroolka si ay u xaraashta Shidaalka Somalia

19 May 2019 (Puntlandes) Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa caawa ka socda dadaal xoogan oo ay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ugu jirto meel marinta sharciga Batroolka oo lagu wado in Baarlamaanka cod u qaado maalinta berri ah.

Sharcigan oo muddo todobaad horyaalay Baarlamaanka ayaa maray dhowr aqrin iyo doodo uu Guddiga Batroolka geliyay, waxaana uu ku jira marxaladii u dambeysay ee cod qaadista.

Xukuumadda Khayre ayaa waxay wadaa olole aad u xoog badan oo ay ku dooneyso in sharcigaas la ansixiyo.

Sharcigan oo horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa ka mid ahaa qodobadii la isku mari waayay ee shirkii Garowe, waxaana heshiiskan haddii Baarlamaanka meel mariyo laga yaabaa in dawlad goboleedyada ay su’aal geliyaan qaabka loo marsiiyay iyo dadaalka Xukuumaddu gelisay.

Ololaha ugu weyn ayay caawa Xukuumadda ka wadaa Madaxtooyada, iyadoo lala kulmayay Xildhibaanada, sidoo kale Wasiirada Xildhibaanada ah ayaa iyana qeyb ka ah ololaha, si maalinta berri u fududaato ansixinta sharciga Batroolka.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la sheegaa inay dano badan ka leedahay sharcigan, maadaama bishii February uu magaalada London ka dhacay xaraash ku saabsan shidaalka laga helay Soomaaliya iyo deegaanada sahanka laga sameeyay, marka laga soo tago xaraashkaas waxaa muhiim loo arkayay in sharciga Batroolka la ansixiyo, si loo bilaabo howsha suuq geynta ee shirkadaha shidaalka.

Shidaalka Soomaaliya oo ay qorshaysay xukuumadda Khayre inay Xaraashto si ay uga qaadato lacagta xaqul qalinka ah oo halkii xirmo ah 2$ milyan oo doollar, iyagoo xaraashka kaga qaadan doona lacag ku dhow 150$ milyan oo doolar.

Puntlandes.com

About The Author