Sawirro: Khayre oo kulan la qaatay wakiilka Sare ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga Midowga Yurub (muuqaal)
20 May 2019 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaliaya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay wakiilka Sare ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga Midowga Yurub, Marwo Federika Mogherini oo booqasho ku timid Muqdisho.
Labada dhan ayaa waxay ka wadahadaleen dawlad dhisida Soomaaliya iyo howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta Midowga Yurub ee howlaha dowladda Soomaaliya hor yaalla sanadkaan 2019.