Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS & Safiirka UK oo ku kulmay Xalane
21 May 2019 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay Xalane Safiirka Boqortooyada Midowday (UK) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Benjamin James Fender.
Wasiirka ayaa iyo Safiirka ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu horumarin lahaa iskaashi dhinac kastaba leh.
Safiirka ayaa maalmihii u dambeeyey socdaal ku marayey qaar ka mid ah dawlad goboleedyada dalka, isagoo Kismayo kula kulmay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Baydhabo na kula kulmay Madaxweynaha KG Lafta Gareen, wuxuuna kala hadlayey shirkii fashilmay ee garowe.
Puntlandes.com