Sawirro: Gudoonka Waxbarashada gobolka Mudug oo kulan maamuus sagootin & Afur ah u sameeyay kormeerayaasha Imtixaanka Shahaadiga
21 May 2019 (Puntlandes) Gudoonka Waxbarashada Gobolka Mudug ayaa Caawa Maqribkii Kulan Maamuus Sagootin Iyo Afur u sameeyay kormeerayaasha Imtixaanka Shahaadiga Ee Gobolka Mudug.
Kulanka Afurka Waxaa goob joog ahaa wasiir kuxigeen wasaaradda Waxbarashada Puntland Mukhtaar Maxamed Xasan, Wasiirka Howlaha Guud Axmed Bashiir, Xildhibaan Cawil Xasan Daad, Xildhibaan Mursal Cabdi Farasle, Aqoonyahano, Maamulada Iskuulada Degmada Gaalkacyo, Gudoonka Waxbarashada Gobolka Mudug.
Afurka Kadib oo Hadalo laga Jeediyay ayaa Waxaa aad diirada Loogu Saaray Dhamaystirka si buuxda Imtixaanka Fasalka 8-aad oo soo idlaaday Iyo Duco In Alle maalmaha Harsan Ee Fasalka 4-aad (FORM 4) uu guul ku dhameeyo.
Dhanka kale Cabdinuur oo faahfaahiyay Imtixaanka Shahaadiga Gobolka Mudug Ee Puntland 4017 Arday in ay u fariisteen Kuwaasoo maraya Heer Gebogebo ah.
Waxaana Xusid Mudan Sanadkan Imtixaanka Shahaadiga Waxaa Jirtay in laba Arday Mid Xanuunsan Iyo Marwo Umushay loogu Geeyay Cusbitaalka Iyo Guriga Taasoo lagu Micneeyay in ay ahayd Waajibaadka Kormeerayaasha in ardayga uu Xaqa uu u leeyahay gelida imtixaanka Xaalad kasta oo uu ardaygu kari karo.