MAXAA KEENAY IN CIIDANKII BARAHA BULSHADA EE N&N UU DIB U SOO WEERARO VILLA SOMALIA?

22 May 2019 (Puntlandes) Wixii ka dambeeyay 08 Feb 2017 oo shacab badani ay aad u taageereen Dowladda Soomaaliya, waxaa taageeradaas barbar socotay qorshe uu maalgaliyey Xafiiska warbaahinta Villa Somalia iyadoo dhaqaale joogto ah bil kasta uu xafiiskaas ku bixinayay faafinta fariinta xukuumadda iyo jaa’ifada siyaasiyiinta ka aragti duwan xukuumadda.

Annigu shaqsiyan waxaan ka mid ahaa dadkii qaybta ka ahaa Ololihii Madaxwaynaha, waxaa Alle igu ogyahay in aanan talo ku lahayn, ogayn, qayb-na ka ahayn qorshahaas. Mana bixinayn mana qaadanayn Allaa igu oge. Sidaas oo ay tahay markaan ogaaday waan la kulmay Agaasime C/nuur, waana ka digay khatarta ka imaan karta arrintaas. Wuuna igu beeniyay.

Waxaan markhaati Alle ka ahay in ay jireen dad badan oo wadaniyad iyo Soomaalinimo ku taageeyay Dowladda, welina ku taageersan balse aan qayb ka ahayn qorshaha Xafiiska Agaasime Abdinur Mohamed Ahmed ku maalgaliyo qoylaysatada baraha bulshada.

22 Augost 2018 markii Agaasimihii Madaxtooyada loo magacaabay Aamino Siciid Cali, Agaasime kuxigeenna loo magacaabay Abdirisaaq Caato ayay waxay joojiyeen dhaqaalihii Xafiiska Warbaahintu bil kastaa bixin jiray. Arrintaasina waxay kaliftay khilaaf hor leh oo u dhaxeeya Agaasimihii waaxda Warbaahinta Cabdinuur iyo Agaaaime Kuxigeenka Madaxtooyada C/risaaq Caato.

Khilaafkaas wuxuu sababay in fashil xooggan oo Dowladda uga yimaada dhanka baraha bulshada, waxaana xoogsatadii markii ay waayeen dhaqaalihii ay dib ugu soo jeedsadeen Nabad iyo Nolol in ay caayaan. Waana khatartii aan ka digayay markii horeba.

Looma joojin oo dhagaha ayaa laga furaystay. Anna waxaan ka mid ahaa dadkii aadka ugu riyaaqay in dhaqaalahaas xaaraanta ah la joojiyo, waayo nafiijada ayaa ii muuqatay.

Ugu dambayn waxay arrin isugu soo biyo shubatay in Cabdinuur uu dib usoo abaabulay qaar ka mid ah xoogagii dhaqaalaha la siin jirey, si ay samcad dil iyo jaa’ifo ugu sameeyaan Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada C/risaaq Caato, si uu dib ugu soo celiyo dhaqaalihii Xafiiskaas uu bil kasta bixin jirey. Waxaan hayaa Document iyo mavluumaad dheeraad ah. Haddii ay arrintaan sii socotana waan soo bandhigayaa.

WQ: Maxamed Cabdullaahi Cali (Kooshin)

About The Author