Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo Afur iyo Casho sharaf u Sameeyey Isimada Gobolka Mudug.
24 May 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Gaalkacyo afur iyo Casho sharaf ugu sameeyey isimada gobolka Mudug.
Kulanka afurka iyo cashada ah kadib Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay isimada, iyagoona ka wadahadlay arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin isxog weraysi guud iyo sidii gobolka horumarkiisa looga shaqayn lahaa loona dardargelin lahaa horumarka gobolka ka socda.
Isimada Puntland ayaa laf-dhabar u ah nabad gelyada, xasiloonida, kala dambaynta Puntland ay hormuud ugu tahay guud ahaan Soomaaliya. Sidoo kale Isimada Puntland waxay door kii ugu muhiimsanaa ka qaateen aasaaskii Puntland, waxaana uu Madaxweynaha Puntland garawsan yahay in Isimada Puntland halbowle u yihiin dhismaha dhanwalba ee dalka.