Akhriso Madxaweyne Deni oo magacaabay Guddiga dib u habeynta Hay’addaha Dowladda ee gobolka Mudug kalana diray garsoonkii gobolka

25 May 2019 (Puntlandes) Madxaweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 25ka May 2019ka waxa uu magacaabay Guddiga dib u habeynta Hay’addaha Dowladda ee gobolka Mudug.

Guddigan oo ka kooban wasiiro iyo xildhibaano ayuu madaxweynuhu wuxuu gudoomiye uga dhigay wasiirka arimaha gudaha dawladda Puntland Maxamed C/raxmaan Axmed(dhabancad) halka uu ku xigeen uga dhigay wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa kala diray maxkamadda darajada koowaad, tan Rafcaanka iyo xeer ilaalinta gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa si KMG ah ugu magacaabay gudoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee degmada Gaalkacyo. Mamaxed Maxamuud Jaamac oo ahaa Garsoore Maxkamadda darajada koowaad ee degmada Xarfo.

Puntlandes.com

 

About The Author