Hirshabeelle oo ka hortimid Habraacii doorashooyinka ee ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha
26 May 2019 (Puntlandes) Hirshabeelle ayaa ka hortimid habraacii doorashooyinka dowlad goboleedyada ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya, kaasoo oo ay DFS ku sheegtay habka iyo diyaar garowga doorashooyinka dowlad goboleedyada.
Maamulka ayaa walaac ka muujiyay warqada ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taasoo ay xustay inuu ka hor imaanayo sharciga Guddiga madax banaanida Doorashooyinka dowlad goboleedka Hirshabeelle.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Dastuurka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay markii ay la tashatay Madaxweynaha Hirshabeelle ay go’aansadeen in habraaca Wasaaraddu soo saartay inuu yahay mid ka hor imaanaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka iyo hannaanka Federaalka, daadajinta nidaamka Dimoqraadiyada dalka.
Akhriso war-saxaafadeedka
Puntlandes.com