Galmudug oo kasoo horjeesatay go’aankii kasoo baxay DFS
26 May 2019 (Puntlandes) Maamulka Galmudug ayaa jawaab ka bixiyay go’aankii kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ee ku saleysan nidaamka doorashooyinka maamul goboleedyada.
Maamulka Galmudug ayaa shaaciyay inaysan aqbalsaneyn go’aanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug Burhaan Maxamed Samatar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha aan lagala tashan islamarkaana aysan aqbalsaneyn.
Waxaana uu sheegay in Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya ay meesha ka saartay awoodii doorashooyinka ku lahaayeen Dowlad goboleedyada, taasina aysan suurta gal aheyn.
Puntlandes.com