Akhriso Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shaqo joojin ku sameeyay mid ka mid ah ku xigeenadiisa
26 May 2019 (Puntlandes) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow.
Shaqo joojintan ayaa lagu sababeeyay amar diido, shaqo curyaamin uu ka wado Qaybta Howlaha Guud iyo Nadaafada Gobolka, shaqo joojin uu ku sameeyay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, isagoo aan la tashan Guddoomiyaha iyo joojinta mashruucii lagu dhisayay Garoonka Qoob Dooro.
Akhriso qoraalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
Puntlandes.com