Warbixin: Ciidamada Birmadka Gobalka Mudug oo shaqadii joojiyay iyo shacabka Gobolka mudug oo arintaas ka Dhiidhiyay
Ciidanka birmadka Gobalka Mudug gaar ahaan caasimadiisa Gaalkacyo ayaa gabi ahaanba shaqadii joojiyay kadib markii ay soo food saartay caqabado badan oo ay kamid yihiin ayagoo aan helin mushaaradkoodii labdii billood ee u danbaysay, Daryeel la’aan, shidaal la’aan iyo waliba maamul xumo, Ciidankaan oo wax wayn ka qabtay amni daradii baaxada weynayd ee ka jirtay magaalada Gaalkacyo ayaa hawl galo isdaba joog ah oo aan kalago’o lahayn waxay ku samayn jireen gaadiidka daweynaha iyo xaafadaha kala duwan ee ay Degmada Gaalkacyo ka koobantahay.
warbaahinta madaxa banaan ee puntlandes ayaa xiriir ay lasamaysay mid kamid ah ciidanka birmadka oo ka cududartay in magaciisa la soo xigto wuxuu u sheegay sidatan ” In mudo ahba ma aanan qaadan mushaaraadkii aan xaqa u lahayn iyo daryeelkii ciidan lahaa anagoo xaaladaas adag ugu shaqaynayna shacabkeena ayaa waxaa noogu darsamay in duqa degmada Gaalkacyo C/casiis jaamac nugaal uu shidaalkii u diiday ciidanka bilaa sabab, waxa kaloo intaas noo raacda in taliyaha ciidanka birmadka Mr c/rashiid xasan gabi gabi uusan gudanayn waajibaadkiisa oo xataa uusan soo xaadirin xerrada ciidanka mudooyinkii u danbaeeyay”
Waxa gabi ahaanba ka kabaxay faraha amnigii iyo kala danbeyntii Degmada Gaalkacyo waxaana lagu dilay saraakiil maamulka katirsan , wariyaal, ganacsato iyadoo sidoo kale qaraxyo lagu weerayay baro kala duwan oo dhaca degmada Gaalkacyo.
Ugu danbayntii shacabka Gobalka mudug ee nabada iyo horumarka jecel ee Gobalka Mudug ayaa ka dhiidhiyay waxyaabaha ay kooxda Mr Gaadayare(boqorka Gobalka Mudug) ay ku wiiqayso amniga iyo kala danbaynta Gobalka, waxayna shir ay maanta isagu yimaadeen dadweynaha magaalada gaalkacyo oo isagu jiray waxgarad, dhalinyaro, culumaa udiin iyo ganacsato ay sheegeen in hadii aan deg deg wax looga qaban xaalada ciidanka birmadka iyo sidoo kale nabad galyada guud ee gobalka in ay san wax canshuur ah bixinayn, dadka gobalka mudug dagan ayaa hada u muuqda kuwo kacay oo ku gudoonsaday dhibaatada kooxda Mr Gaadayare ku hayso gobalka la arki doone halka ay arrintaani ku danbeeyso waxaana la marayaa xilligii ree Gaalkacyo oran lahayeen “Shuushow Bax” oo ay iska dul qaadi la haayeen kooxda Gaadayare.
Puntlandes.com- Gaalkacyo