Xildhibaanad Saado Cali Warsame Oo Muqdisho Lagu dilay
Muqdisho (Pes) Waxaa maanta 23-07-2014 lagu dilay magaalada Xamar Xildhibaanad Saado Cali Warsame. Allah ha u naxariisto Saado Cali gacan ka xaqdaran baa dishaye,
Meesha lagu dilay Xil. Saado ayaa waxay tahay meel amnigeeda aad iyo aad loo ilaaliyo, waxaana ku badan ciidamada dowlada iyo kuwa nabad ilaaliyaasha Amison
Waxaa dilay xil. Saado sida loo xaqoojiyey Puntlandes 4 nin oo ku hubaysnaa qoryaha AK47. Nimankaas gacan ku dhiiglayaasha ah waxay rasaas la beegsadeen gaarigii ay saarnayd xil. Saado oo wax yar uun ka hor ka soo baxay Vila baydhabo oo xarun labaad u ah Baarlamaanka.
Xildhibaanad Saado Cali Warsame o oka mid ahayd Baarlamaanka DFS waxay ka soo jeedaa Dowlada Puntland
Wixii ku soo kordha kala socoPuntlandes.com
Xafiiska wararka
Puntlandes.com