Wasiirka Warfaafinta “Ra’iisul Wasaare kuxigeenka waa nabad qabaa, xaaladana gacanta lagu hayaa”
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay qaraxii maanta ka dhacay Hotelka Central ee degmada Xamar weyne, halkaasoo ay masaajid ku yaal ku dukanayeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
“Baabuur waxyaabaha qarxa ka buuxo oo masaajidka ay dadka ku dukanayeen la dhigay ayaa qarxay, dad is qarxinaya waa jiray, waxaa goobta ka dhacday khasaare xoogan, dhimasho iyo dhaawac badan waa jiraan”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo la hadlayay Radio Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare kuxigeenka uu nabad qabo, xaaladiisana ay wanaagsan tahay.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dadka ku dhintay qaraxaas uu ku jiro Gudoomiye kuxigeenkii Gobolka Banaadir Caana Geel, inkastoo uu tilmaamay in wali dowladdu wado warbixinta khasaaraha ka dhashay qaraxa, dibna laga soo sheegi doono.
Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkan inay ka dambeysay, isla markaana ay ku dishay mas’uuliyiin iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Puntlandes.com