Sawiro-Akhri: Inta masuul ee ku dhimatay ama ku dhaawacantay weerarkii maanta
Dhimashada
Masuuliyiinta ilaa imainka la xaqiijiyey oo ku geeryooday ama lagu laayey weerarkii maanta ay Kooxda Al-Shabaab ku qaaday goob lagu tukanayey salaada Jimcaha oo ku dhex taala Hotel Central ee magaalada Muqdisho ayaa ah sidatan:
1-Xil. Cumar Cali Nuur (Cumar Furdug)
2-Xil. Maxamed Ducaale Muuse(Xaaji Kafey) oo horey u badalay Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo Muqdisho lagu dilay.
3-La taliye ka tirsanaa Xafiiska R/wasaare magaciisana lagu sheegay Cabdi fitaax Khaliif Badaiyow
4-Gudoomiye xigeenka dhanka Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed (Caano Geele)
5-C/shakuur Mirre Aadan
Dhaawaca
Masuuliyiinta ku dhaawacantay weerarkaas ayaa iyana kala ah sidatan:
1-Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte Qaalib
2-Xil. C/qaadir Cali Cumar
3-Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jengeli
4-Wasiirka Dekada Nuur Faarax Xirsi
5-Ex Xil. Salaad Cali Jeele
Dhaawaca oo aad u tiro badan ayey intaas ka badnaan karaan masuuliyoiinta dhaawacu ka soo gaaray weerarkaas.
Waxaa iyana xusid mudan in ay ku dhinteen ama ay ku dhaawacmeen dab badan oo shaqaale dawladeed ama shacab ah.
Si kastaba ha ahaatee, DFS ayaan ilaa iyo iminka soo bandhigin Liiska dadka uga dhintay Qaraxyada.
Sawiro
Puntlandes.com