Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade oo ku geeriyooday Ingiriiska
Allaha u naxariistee waxaa goor dhow magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay.
War saxaafadeed uu soo saaray wiilkiisa Xaaji Maxamed Nuur Cadde ayuu ku xaqiijiyay geerida aabihii, oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ku xanuunsanayay Isbitaalka Kings College.
Meydka Marxuum Nuur Cadde ayaa lagu aasi doonaa magaalada London, maadaama aanay suura gal aheyn in Soomaaliya loo soo qaado, si loogu aaso bacdamaa ay xayiran yihiin isu socodka duulimaadyada inta badan dalalka caalamka oo la tacaalaya ka hortagga cudurka Coronavirus.
Allaha u naxariistee Nuur cadde ayaa soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya sanadihii 2007-2009, dowladdii AUN Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.
War qoraal ah oo ka soo baxay qooyska marxuunka ayaa lagu yiri sidatan
Puntlandes.com