Sawirro: Dekedda Bosaso oo aad mashquul u ah

04 April  2020 (Puntlandes) Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa wada cashuurista badeecooyinka soo gala Dekeda Bosaso.

Dhaq dhaqaaqa dekeda ayaa ah mid aad u mashquul badan ayna ku xiran yihiin Doonyo iyo Maraakiib wada shixnado kala duwan una raran Ganacsatada Puntland.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa sameeyay warqad ku aadan dhaq dhaqaaqa shaqaalaha inta bandoowgu socdo si uusan u joogsan dhoofka xoolaha iyo badeecadaha la midka ee Dekeda Bosaso xiliga habeenkiina ay shaqadu socoto.

Inkasta oo uu jiro baqdin xoogan oo caalamku ka qabo xanuunka Covid-19 wadamada qaarna ay gabaabsi galeen Cuntooyonkii ayna istaageen shixnadihii uga imaanaayay dibada marka loo eego Puntland waa mid ka duwan waxana yimaada shixnado kala duwan dalkana kama jiro wax dhibaato cudur ah sida ay sheegeen gudiga Corona Virus Puntland.

Dhinaca kale gudiga iyo Ganacsatada oo dhowaan shiray ayaa looga wada hadlay in aan qiimo koror lagu samayn macayshada Ganacsataduna waxa ay sheegeen in cuntooyinka Puntland yaala ay ku filan yihiin.


Puntlandes.com

About The Author