Sawirro: Hay’adda EAT ayaa markii ugu horraysay ka baxday waxbarashada Puntland.
04 April 2020 (Puntlandes) Masuuliyiinta Hay’adda EAT ayaa wareejiyay xafiiskeedii Puntland ay ku lahayd xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.
Xilwareejinta xafiiska iyo agabkiisa ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashashada iyo Tacliinta sare.
Maxamed Cali Waabari ayaa si rasmiya ugu wareejiyey Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada xafiiska EAT.
Maxamed Cali Waabari ayaa ka hadlay waxqabadkii iyo shaqooyinkii ay la soo shaqeeyeen Wasaaradda Waxbarashada Puntland.
Hay’adda AET (Africa Educational Trust)
ayaa markey taariikhdu ahayd 03/April /2020 ku wareejisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare dhammaan agabkii xafiisyada, kadib markii EU-du joojisay mashaariicdii ay ku taageeri jirtay hawlaha Imtixaanaadka ee Fasallada 8aad iyo 4aad ee dugsiyada dhexe iyo sare, siday u kala horreeyaan. Sidaas waxaa sheegay Masuulka AET Maxamed Cali Waabari.
Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa uga mahad celiyey xafiiska AET shaqadii wanaagsanayd ee ay la soo qabteen Wasaaradda intii arrimaha Waxbarashada ay ka wada shaqeynayeen.
Wasiirka iyo Agaasimaha ayaa u ballan qaaday inay siinayaan billadda ugu sarraysa ee Waxbarshada, taas oo ay ku mutaysteen shaqadii ay la soo qabteen Waxbarashada Puntland.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Maxamed Cali Faarax Farmayeeri ayaa qiray oo yiri “Waaxay ahayd hay’adihii waxbarashada soo maray middii ugu qaalisanayd oo wax la taaban karo qabatay.”
Waxaa kaloo uu sheegay Agaasimaha Guud in Maxamed Cali Waabari iyo Cabdullaahi Nuur Salaad ay ahaayeen laf-dhabartii iyo halbowlayaashii Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyagoo waxbadan la soo qabtay bahda Waxbarashada iyo Wasaaraddaba.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Maxaamed Xasan ayaa sheegay in masuuliyiinta Ha’yadda AET uu horay u hayey warbixintooda, amaantooda iyo waxqabadkooda, baal dahabana kaga jiraan waxbarashada Puntland.
Hay’ada AET oo EU-du siin jirtay mashaariic lagu taageero waxbarashada dugsiyada sare iyo hawlaha imtixaannada ee dawladda Puntland, waxay shaqada ka bilowday Puntland 2007. 2007 ilaa 2012 AET waxay wadday mashaariicda taageeridda waxbarashada dugsiyada sare ee Puntalnd, balse 2013 ilaa 2017 waxay wadday mashaariic ka kooban diyaarinta qaloofka manhajka, diyaarinta muqarrarka waxbarashada dawladda Puntland iyo hawlaha imtixaannada, hase yeeshee 2018-ilaa 2019 waxay wadday oo keliya hawlihii imtixaannada. Waxaana mashruucaasi uu gabi ahaantiisba joogsaday Diseembar 2019.
Hay’adda AET waxay diyaarisay dhismaha xarunta imtixaanaadka iyo qalabaynta agabka xaurnta imtixaannnada Puntland, waxay diyaarisay aqoonyahanno wax ka dhiga dugsiyada sare ee Puntland iyo xirfadlayaal hawlaha imtixaannada, sida dejinta imtixaannada, dib u habaynta imtixaannada iyo saxidda imtixaannada, I.W.M.
Madaxda AET ee Maxamed Cali Waberi iyo Cabdullahi Nuur Saladi kuma ekayn shaqada hay’ada AET ee waxay ka qayb qaadan jireen hawlaha waxbarashada maaddaama ay ahaayeen bareyaal iyo maamuleyaal hore oo khibrad waxbarasho leh.