Qarax Galkacyo lagu eegtay mas’uul ka tirsan W/maaliyadda
05 April 2020 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka halkaasi qarax lagula eegtay mas’uul ka tirsan wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Mas’uulkaas oo ka tirsanaa Waaxda Canshuuraha wasaaaradda Maaliyadda ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo gaarigiisa loogu xiray xilli uu ku sugnaa bartamaha magaalada Gaalkacyo sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahaa.
Mas’uulka qaraxa ku dhaawacmay waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Cabdi-Gube waxaana dhaawaciisa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka waqooyiga Gaalkacyo.
Puntlandes.com