Sawirro: DFS oo ka guddoontay 100,000 doolar urur goboleedka IGAD oo lagula dagaalamayo xanuunka Conovirus
06 April 2020 (Puntlandes) Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji ayaa maanta oo Isniin ah ka guddoomay urur goboleedka IGAD jeeg ay ku qoran tahay 100,000 doolar.
Mudane Jamaal Axmed oo isku-xire ka ah Xafiiska IGAD ee Muqdisho ayaa gudoonsiiyey madaxda DFS, iyadoo kaalmadaasi lacageed ay tahay kaalmo ka timid urur goboleedkaas oo ay ku garab istaagayaan dawladda Federaalka Soomaaliya.
IGAD ayaa waxay ka soo uruurisay 700,000 doolar oo tabarucaad maaliyadeed oo ah 430 shaqaale oo uga howlgala dhammaan rugaheeda shaqo ee guud ahaan gobolka, tani oo tilmaan u ah u diyaargarowgooda ka qeybqaadashada dadaallada lagu bixinayo bedqabka iyo ka ilaalinta muwaadiniinta IGAD xanuunka Karoona feyrus iyo muujinta taageero garab-istaag u ah wadamada gobolka, iyadoo lacagta loo kala qeybiyay dhammaan xubnaha ururka si siman.
3 April, Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday in ay diiwaangelisay labo xaaladood oo cusub oo ah bukaanno la dhiban xanuunka Karoona feyrus, taasi oo sare u qaaday tirada guud, gaarsiisayna 7 bukaan, iyadoo mid ka mid ah bukaannadaasi uu ka soo kabtay xanuunka, mana jiro wax dhimasho ah oo uu sababay cudurkani saf-marka ah.