Sawirro: Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo tababar usoo xiray cutubyo katirsan Ciidamada ilaalada Madaxtoyada (muuqaal)
07 April 2020 (Puntlandes) Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Dawladda Puntland oo muddo 2 Bilood ah uu tababar ku saabsan miino baarista uu uga socday Rugta ciidamada Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bogaadiyey Ciidamada loo tababaray Miino Baarista, wuxuuna sheegay in ay muhiimad gaar ah u leedahay Dowladda in la helay Ciidamo u tababaran ka hortagga walxaha qarxa iyo falalka argagixiso.
Ugu danbeyn Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash kula dardaarmay Ciidamada la tababaray in ay noqdaan kuwo sida ay tahay u guta waajibaadka saaran.