Sawirro: Axmed Karaash oo la kulmay Guddiga Gurmadka ee G Gadafuu beeniyeyna in khilaaf kala dhaxeeyo MD Deni (muuqaal)
07 April 2020 (Puntlandes)Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xarunta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe kulan kula qaatay Guddiga Gurmadka ee Gobolka Gadafuu.
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa kulankan warbixin uga dhegaystay Guddiga Gurmadka ee Gobolka Gadafuu, oo Madaxweyne ku-xigeenka la wadaagay halka ay wax u marayaan iyo sida uu u socdo, Qorshaha loogu gurmanayo Gobolka Gardafuu oo ay saameyn xooggan ku yeesheen Roobabkii dhowaan ka da’ay Puntland.
Ugu danbeyna Madaxweyne Ku-xigeen Axmed Karaash ayaa bogaadiyay Shaqada socota iyo dadaalka loogu gurmanayo Gobolka Gardafuu.
Dhanka kale Axmed Karaash ayaa beeniyey inuu jiro khilaaf ka dhexeeya isaga iyo madaxweynaha dawladda Puntland mudane Siciid Cabdulaahi Deni, kaas oo saxaafadu wax ka qoraysay maalmihii u dambeeyey.