Qofkii ugu horeeyay oo cudurka Coronavirus u geeriyooday Soomaaliya

08 April  2020 (Puntlandes) Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Feeraalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qofkii u horeeyay uu u geeriyooday cudurka Coronavirus.

Qofkan oo ahaa 58 jir aan dalka ka bixin ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Shalay ayay aheyd markii wasaaradda Caafimaadka ay xaqiijisay qofkii 8aad ee laga helay cudurka Coronavirus inuu noqday qof aan wali dalka ka bixin oo 58 sano jir ah.

Puntlandes.com

About The Author