Dhagayso: Madaxweynihii hore ee Puntland Faroole ”Aad ayaan uga Naxay qarixi shalay lagu dilay Cabdishakuur mire iyo dadkii kaleba“
Madaxweynihii Hore ee Puntland Cabdiraxmaan Farooole oo ka hadlay qarixi shalay ismidaaminta ahaa ee lagu laayey dadka aadka u badnaa ee salaada Jimcaha tukanayey.
Madaxweynihii Hore ee Dowlada Puntland Mudane Cabdiraxmaan sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo la hadlayeey Warbaahinta gudaha isagoo jooga dalka Australia ayuu shegay inuu Tacsi u dirayo qoyskii iyo eheladii dadkii ku nafwayeey qarixi ismidaaminta ahaa ee shalay Muqdisho kadhacay.
Faroole ayaa shegay in uu ahaa qaraxaas mid argagixiso ah ,isla markaasna uu sheegay in Cabdishakuur Mire Aadan oo ka mid ahaa Siyaasiyinta kasoo jeeda Puntland Aqoon fiican uu u lahaa ,isla markaasna uu ka Tacsiyadaynayo Geerida ku timid.
Madaxweynihii Hore ee Puntland Mr Faroole ayaa shegay in Calaamadaha Argagaixisada lagu garto ay kamid Tahay Gumaadka Dad aan waxba galabsan salaada Jimcada kasoo baxay.
Dhagayso Faroole
Puntlandes.com